Deegaano Door ah oo ka Tirsan Somaliland oo uu Maanta ka da’ay Raxmaadka Eebbe
Hargaysa 30.Jan 2016 (SDN/QJ):- Roobab wanaagsan ayaa ka da’ay meelo ka mid ah Deegaanada Galbeedka Somaliland oo ay hore uga taagnayd abaar baahsani
Roobabkan oo da’ay saaka ayaa noqday kuwo goos-goos ah oo helay meeloka tirsan gobolada Salal, Awdal iyo Maroodijeex
Sida uu ku soo Waramayo Weriyaha Shabakada Qurbejoog ee Gobolka Awdal Raxmaadkan eebbe ayaa ku soo beegmay Xili abaar baahsani ay ka Jirto deegaano door ah oo ka tirsan Goboladda Awdal iyo Salal.
Dhanka kalena sida uu noo xaqiijiyey Mayorka magaalada Lug-haya Cabdilaahi cali aw nuur roobab wanaagsan ayaa ka da’ay deegaano hoos yimaadda Magaalada lughaya, roobabkaas oo saameeyey magaalooyinka Gargaara bari, karuure iyo geerisa.