Deegaannada Puntland Oo Hubka-dhigis Laga Hirgelin Doono Dhawaan
Garoowe:Aug,20,2014(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka somaliyeed ee Puntland ayaa sheegay inay ku hawllan yihiin qorshe hubka lagaga dhigayo dadka ku dhaqan Deegaannadeeda ee Haysta Hubka ka Baxsan Gacanta Dawladda.
Warka sheegaya qorshahan Puntland hubka-dhigista ku samaynayso, ayaa waxa uu kasoo baxay Wasiirka amniga Puntland, Xasan Cismaan Aloore oo tilmaamay in dhawaan la hirgelin doono.
Aloore waxa uu sheegay qorshaha hub ka-dhigista inay ka hormarinayaan la tashi ay la sameynayan bulshada qeybaheeda, waxaana uu tilmaamay inay kala xaajoon doonaan sida ugu dhow ee lagu ogaan karo hubka yaalla deegaannada Puntland.
“Siyaasadda wasaaraddu waa in la ogaado hubka yaalla Puntland ee sida an sharciga ahaayn loo heysto, arrinta la tashiyo ayaan kala sameynaynaa bulshada annago ka xog wareysaneyna sida ay ku suroobeyso,”ayuu yidhi wasiirka amniga oo hadalkan ka jeediyey kulan ka dhacay xarunta PDRC oo looga hadlay siyaasada wasaaradda.
Qorsha ugu weyn ee laga doonayo hubka dhigista, wasiirku waxaa uu ku sheegay sidii loo ogaan lahaa hubka yaalla Puntland ee dadka shacabka ah iyo dowladdaba gacanta ugu jira.
“Qorshahan waxaan ka leenahay sidii loo sharciyeyn lahaa hubka yaalla Puntland ee ay dowladda iyo shacabkuba heystaan,”ayuu ku daray wasiirku hadalkiisa.
Ugu danbeyn, waxa uu sheegay wasiirka amniga Puntland,Xasan Cismaan Aloore inay dadaal ku bixinayaan adkeynta amniga iyadoo laga hortagayo kooxo uu ku sheegay argagixisada inay dhibaato ka geysato.
Qorshaha Puntland ee hub ka dhigista, ayaa muuqda mid ka nabdoon, ka wanaagsan, ayna ka muuqato mas’uuliyad iyo ilbaxnimo, marka loo eego kan dowladda federaalka ee Muqdisho, oo iyada oo aan waxba shacabka weydiin, dagaal iyo xoog ka billowday magaalada, shacab badanna laysay.
SDN/QJ