|

“Deegaankii Shaqaaqadu ka dhacday oo Xoolahoodu Maanta Biyaha Wada Cabayaan” DAAWO

Caynabo 24.Aug 2013 (SDN)- Weftigii Xukuumada Somaliland ee Xalinta Shaqaaqo Gacan ka hadal ah ee ka dhacday Deegaanka God Heeli oo u dhaxaysa Degmooyinka Gar adag iyo Oog Isla Markaana uu Hogaaminayo Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha ee JSL Md Cali Maxamed warancadde  ayaa maanta oo sabti ah kulan balaadhan la yeeshay dhinacyadii ay shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka God-Heeli ee hoos yimaadda  degmada gar’adag ee Gobolka sanaag

XoolihiiWaxaa Socda Qaban qaabo ku Wajahan Sidii Beel kastaaba ay u Keeni lahayd Odayaal Saxiixa kuna dhaarta Ogolaashaha wada Noolanshaha iyo Isu soo dhawaynta labadaas beelood oo dhiig iyo Dhalashaba ka dhaxayso,Waxaa kale oo Deegaanka ay Mashaqadu ka dhacday Si is daba joog ah ugu sii Qul Qulaya Ergooyin isu Xilqaamay Soo afjarida Mushkilada dilalka Sababtay iyo Sidii bogooda ay Burcad isugu Marin lahaayeen labada Ardaa ee Is Maandhaafku soo kala dhex galay.

Waxaa Xusid Mudan in Deegaankii Dabayaaqadii Todobaadkii Tegay ay labadan ardaa ku dagaalameen ay maanta Xoolahoodii Meel ka wada Cabayaan .

Caynabo SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed