|

Deegaanka Kalshaale ee Mashaqada Dilka ahi Dhawaan ka Dhacday oo ay Gaadheen Gudoomiyaha Togdheer iyo duqay kale

Kalshaale 12.Feb 2014 (SDN)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo shan iyo toban Oday oo Reer Burco ah oo uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxaya deegaanka Kalshaale si ay wada xaajood ugala yeesheen Odayaal dhanka Buuhoodle ka imanaya Laba nin oo la dilay iyo mid dhaawac ah oo ay toddobaadkan Dileen Maleeshiyo Reer Buuhoodle ahi.

gudoomiyaha TogdheerOdayaasha Buuhoodle ayaa la sheegay in ay Gogosha wadahadalka u dhigeen Odayaasha iyo Maamulka Togdheer si Heshiis Nabadeed looga gaadho weerarka lagu Dilay labada Nin kaasoo ahaa mid gaadmo ah oo ay marka hore Geel ku dhacayeen aakhirkiina sababay dhimasho iyo dhaawac.

Deegaanka u dhaxeeya Qorulugud illaa Buuhoodle ayaa laga dareemayey maalmihii ugu danbaysay san-saan Colaadeed oo ka dhex bilaabantay labad Beelood, iyadoo la arkayey Ciidan beeleedyo is hubaynaya oo dagaal u diyaar garoobayey.

Labada Beelood ayaa dhawaan Heshiis ka gaadhay khasaare noocan oo kale ah oo kala gaadhay, waxaanay colaad muddo taagnayd kadib isla qaateen dhawr qoddob oo ay ka mid ahaayeen in ay nabad ku wada noolaadaan iyo in dhinac walbaaba bixiyo wixii khasaare uu gaystay.

Si kasta ha ahaatee weerarkan u danbeeyey oo ay soo qaaday Beesha Buuhoodle ayaa u muuqda mid la doonayo in wadahadal lagu dhameeyo.

Kalshaale SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed