|

Dedaalo dhex dhexaadin ah oo Hargeysa ka socda iyo xaaladda khilaafka

Maalmihii lasoo dhaafay waxa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ka socda dedaalo lagu dhex dhexaadinayo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka oo si wayn iskugu khilaafsan doorashada madaxtooyada ee u muddaysan in Somaliland ay ka qabsoonto 13 November, 2022.

Dedaaladan waxay ka kala imanayaan dhinacyo dibadda ah oo Beesha Caalamku ugu horayso iyo dedaalo gudaha ah oo ay wadaan hoggaanka beelaha ay kasoo jeedaan madaxda hadda khilaafku ka dhexeeyo ee mxaadka iyo mucaaradka (Garxejis iyo Habar Awal), waxayna rabaan in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka taagan.

Dhanka Beesha Caalamka hadaynu ku horayno, waxa jiray kulamo ay todobaadkii tegay la qaateen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo waxayna iskugu laabteen wada tashi iyagoo qiimayn kadib la filayo in ay war soo saaraan, iskuna keenaan labada dhinac sidii hore u dhacday bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Dhanka odayaasha beelaha, salaadiinta Habar Awal iyo Garxejis ayaa shirara kala duwani ay uga socdaan magaalada Hargeysa waxayna iyagu si ka duwan dhanka Beesha Caalamka rabaan in ay soo jeediyaan qodobo lagu heshiin karo oo soo af jara khilaafka, labada dhinacna ku qanci karaan.

Dadka falanqeeya siyaasadda Somaliland waxay aaminsanyihiin in dhex dhexaadintu adkaanayso marka la eego go’aanada madaxweyne Biixi oo hore loogu bartay in meesha uu ku dhego ama go’aanka u qaato aanu mar kale kasoo dagin, halka mucaaradka ay ka go’antahay doorashada 13-ka November.

 

ARINTA AAN LA OGAYN EE MEESHA TAALA

Dad badani ma oga, balse khilaafkani wuxuu u dhexeeyaa madaxweyne Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin oo dhinac ah iyo Gudoomiyaha Waddani, Xirsi Cali X. Xasan oo dhinaca kale ah.

Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ayaan ogolayn in Xirsi Cali X.Xasan uu mar kale kusoo laabto talada Somaliland xili hore Xirsi uu masuuliyiintan uga hor istaagay in ay yimaadaan talada, kana dhaxaysay xurguf waagii uu madaxweynaha Somaliland ahaa Axmed Siilaanyo.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in aanu diidanayn murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, balse uu liqi waayay markii gudoomiyaha laga dhigay Xirsi Cali X. Xasan.

Comments are closed