|

DDS oowaxba kama jiraan ku tilmaantay in ciidamo ka joogaan Laaska

Hargeysa March 09, 2023 (QJ) – -Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay jiraan ciidamo ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka mid ah ciidamadii dagaalka kula jira ciidamada Somaliland ee Laascaanood.

Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somaliland, oo lagaga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Laascaanood, ayaa la isla gartay in ciidanku ku sugan yihiin magaaladaas, iyadoo xukuumadduna u soo jeedisay inay ka baxaan.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in ciidamo ka kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Al Shabaab ay ku dagaalameen magaalada Laascaanood, balse tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay xukuumadda Somaliland ku eedayso ciidammo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya inay ku lug leeyihiin dagaalka Laascaanood.

Al-Shabaab iyo Puntland ayaa horay u beeniyay in ay ku lug lahaayeen dagaalka Laascaanood.

Geesta kale, Dowladda ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa iska fogeysay sheegashada ah in ciidamadooda ay gobolka Sool kula dagaalameen ciidamada Somaliland.

War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax ciidamo ah oo ka tirsan DFS oo ku lug lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood, isla markaana ay dowladda gobolku dadaal badan u gashay sidii ay uga jawaabi lahayd eedeymaha faraha badan ee ay madaxda Ka soo jeeda maamulka Somaliland u soo jeediyeen.

Waxaa muuqata in maamulka Somaliland uu siyaasadeynayo xaaladda, isla markaana aysan raali ka ahayn in laga jawaabo su’aalaha ku saabsan xaaladda gobolka Sool, ayaa hadalkan lagu yiri.

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu baaqday maamulka Somaliland in ay ka fogaadaan hadalada iyo ficilada kala fogeynaya labada shacab.

Comments are closed