Dayuuradadaha Dagaalka Ciraaq Oo Raashin iyo Hub u Daadiyey Kooxaha Daacish Iyo Maraykanka Oo Si Weyn Uga Cadhooday
Mousil:Oct,02,2014(SDN/QJ)-Diyaaradaha Dagaalka ee dalka ciraaq iyo Raashin iyo Hub tiro badan dusha uga daadiyey Cutubyo ka tirsan kooxda Daacish, taas oo Keentay inay Maraykanku si weyn uga cadhoodo raashinka iyo Hubka kooxdan Gacantooda galay.
Duuliyayaashii Diyaaradaha Hubka Daadiyey, ayaa cadhada Reer Galbeedka kaga jawaabay inay ku khaldameen daadinta raashinkaas, ujeedkooda ahaa Ciidamo Ciraaq ah oo ka soo cararay Saldhigoodii Duleedka Falujjah ku yaal inay hawada-sare Raashin iyo Rasaas uga soo tuuraan,si ay rasaasta isku difaacaan raashinkana u cunaan,inta gurmad u imanayo.
Kooxdii Islamic-State ayaa raashinkii iyo rasaastii ku degay,waxayna ku guuleysteen inay ka daba-tagaan raadkii Askartii la doonayay in loo gurmaddo,iyagoo dilay dhamaantood.
Dagaal Maalmahan ka dhacay duleedka Faluujah ayaa lagu dilay 1300-Askari Ciraaqi ah,waxaana la qabsaday 76-Dabaabadood oo Taangi ay ku jiraan,iyadoo saldhigiinii gebi-ahaan wareegeen Kooxda Daacish,waxayna gacanta ku dhigeen Askartii Raashinka iyo Rasaasta loo waday oo dharka ay ka bixiyeen lana filayo inay dilaan,maadaama dhaqankooda uu yahay Askarigii ay qabtaan inay dilaan.
SDN/QJ