|

“Dawladdu waxay ku hawlantay helista Xog dhammaystiran oo la xidhiidha Heshiiska Dekedda Berbera,Sidoo Kale Waxaan Rajaynaynaa in Dhamaadka Sannadkan aanu la Wareegno Maamulka Hawada Somalia..” Madaxweyne Farmaajo DAAWO

Muqdisho 10. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World ee lagu wareejiyey Maamulka iyo Maalgelinta Dekedda Berbera oo ay 30-ka sano ee soo socda gacanta ku hayn doonto in uu ka horreeyey Maamulkiisa, isla markaana ay dawladdu hawlo la xidhiidha Xogta heshiiskaan ku jirto.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sidaa ku sheegay Khudbad uu ka jeediyey Kal-fadhigga 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaanu kaga hadlay khudbaddaas qodobbo kala duwan oo dhawr ah oo ay ka mid yihiin waxyaabaha dawladdiisa u qabsoomay muddada ay xilka haysay, isla markaana waxa uu kaga jawaabay Qoraallo ay Baarlamaanku u gudbiyeen oo la xidhiidha waxa uu kala socdo Heshiiska lagu wareejiyey Dekedda magaalada Berbera.

 

Dekedda Berbera ayaa ku taalla Dhulka Somaliland oo iyadu tan iyo 1991-kii gaar uga taagnayd dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, balse aan weli Caalamku Aqoonsi siinnin.

Waxaanay Somaliland Heshiis la gashay Shirkadda DP World, kaas oo dhigaya inay Dekedda Berbera Maamusho 30-ka sano ee soo socda iyo toban sano oo la sheegay inay dheeraad noqon doonaan.

 

Waxay sidoo kale Xukuumadda Somaliland Berbera ka siisay Saldhig Millateri oo Madaarka Berbera iyo Dhul-Xeebeedka ku beegan Dawladda Imaaraadka Carabta, kaas oo aan weli hawshiisu si rasmi ah u bilaabmin, balse Heshiiskiisa la saxeexay, halka Dekedda Berbera ay Xukuumaddu ku wareejisay Shirkaddaas bilawga Bishii May ee sannadkan 2017-ka.

Madaxweyne Farmaajo Waxa uu Sheegay inay Waajib ku tahay Dawladiisa ilaalinta madax bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyada Federaalka Somalia.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo sheegay in Heshiiska Dekedda Berbera ka horreeyey doorashadiisii oo dhacday 8-da bishii Febraayo 2017-ka, ayaa sidoo kale ka sheekeeyey waxa u qabsoomay oo Hubka-dhigista Muqdisho ka mid tahay iyo qodobbo kale, waxaanu Baarlamaanka ka codsaday inay ansixiyaan 15 Hindise-sharci oo Xukuumaddu u soo gudbin doonto dhawaan.

Sidoo Kale Wuxuu Madaxweyne Farmaajo Sharaxay Waxqabadkii u hirgalay dawladiisa Mudaddii Koobnayd ee ay Jirtay.

Comments are closed