“Dawladdu dhul aanay Maamulkeedaba Gaadhsiin oo ay Dadka Jooga Didisay, Maaha inay Maanta Tidhaahdo Nin baa Soo Galay, Xikmadduna maaha………..”xildh. Bulqaas.
Hargeysa:30-AUG-2013-(SDN)-Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda Deegaanka Bariga Sanaag, lagana soo doortay xisbiga Talada Haya ee Kulmiye, ayaa sheegay inaanay xukuumaddu xaq u lahayn inay ka hadasho imaatinka Madaxweyen-ku-xigeenka Puntland ee Deegaanka Taleex.
Xildhibaan Bulqaas oo maalintii shalay si gaar ah ugu warramayey Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com iyo wargeyska Hubaal, ayaa tilmaamay inay xukuumaddu sabab u tahay imaanshiyaha madaxweyne-ku-xigeenkaas ee deegaanka Taleex, maadaama aanay somaliand wax awood ah iyo maamul midna ku lahayn taleex iyo Deegaanadaka kale ee ku dhaw dhaw.
Xildhibaanka oo arrintaas ka hadlayaa, ayaa yidhi, “Ninkan madaxweyne-ku-xigeenka Puntland meelahan uu marmarayo ka xukuumad ahaan wax awood ah oo aynu ku leenahay maba jiraan, wax astaamo dawladeed ah oo xukuumadda Somaliland ku leedahayna ma jirto,Dhulkan uu ninkani yimi waa dhul bilaa dawlad ah oo dadkii lahaa degen yihiin isaguna dadkaas ayuunbuu ka tirsan yahay”
Waxa kale oo uu xildhibaan Bulqaas, waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay didisay dadka Deegaanka Taleex iyo kuwa kale ee ku hareeraysan, waxana uu sheegay in si aad dhulkaaga u sheegatid aad marka hore gacantaada ku haysatid, waxana uu yidhi, “Dawladduna dhul aanay maamulkeedaba gaadhsiin oo ay dadka degen didisay maaha maanta inay ka hadashoba, waayo maaha dhulkaan leeyahay uune maxaa loo yimiye, waxa weeye in dhulkaaga aad marka hore taladiisa gacanta ku hayso markaasaadka hadli kartaa. Eeddaana xukuumaddaa leh,Dadka meesha Deggen waa la fogaynayaa oo lama soo jiidanayo, waana waxa aanu maalin walba u qaylinayno, markaa iska daa dadkii udhashaye Bahalaa meesha imanaya,”
Dhinaca kale waxa uu xildhibaan Bulqaas xukuumadda ku eedeeyey inay masuul ka tahay fadhiid-nimada ku habsatay Golihii wakiillada ee umaddu soo dooratay, “ Shaqadayadu fadhiid bay ahayd, fadhiidnimadaana xukuumaddaa u sabab ah oo hubkii iyo rasaastii naga dhigtay baalashiina naga riftay ka gole ahaan, iyadaana ka masuul ah inuu Goluhu shaqayn waayo, awooddii aanu qarankan ku lahaynna iyadaa la weydiinayaa.” Ayuu yidhi xildhibaan Bulqaas.
Mar uu xildhibaanku ka hadlayey shaqada loo igmaday oo dayacantay iyo sida ay xukuumaddu u dhaqantay markii Awooddii Goluhu meesha ka baxay, waxa uu yidhi, “Golahani waa kii daba galayey xukuumadda ee tooshka ku ifinayey khaladaadka ay samayso iyo waxyaabaha ay ku tallaabsato,Xukuumaddii dabar la’aan bay noqotay oo cid tidhaahda waar ka daayaba ma jirin, Waxana Haatan jira xildhibaanno badan oo aan dhinacba ahayn oo bahdilmay markii ay shaqooyinkoodii waxba ka qaban kari waayeen, awoodahoodiina isticmaali kari waayeen ee haybadoodii la inkiray ee la iska indho tiray.”
Waxa kale oo uu xildhibaanku ku adkaystay inay dhamaanba wixii heshiisyo ah ee xukuumaddu gashay iyadoon Golaha wakiillada hor keenini ay xaaraan yihiin, waxana uu yidhi, “Dhamaanba wixii heshiisyo ah ee ay xukuumaddu soo gashay ee aan Golaha la hor keeninina waa waxba kama jiraan sida kuwan Shidaalka lagu baadhayo iyo kuwo kale oo badan oo caynkaas ah oo aan waxba nalaka waydiinba annagoo shacabkii metelayna.”
Ugu dambayntii waxa uu xildhibaan Bulqaas carrabaabay inay wali taagan tahay dhibaatadii iyo inkiraadii ay qabeen dadka Deegaanada Bariga Sanaag oo uu ka soo jeedo, waxana uu ku adkaystay in dadkaas si gaar ah loo Go’doomiyey, | “Arrintii iyo caddaalad-darradii ay qabeen dadka Deegaanada Bariga ee Aan ka soo jeedaa wali sidii bay u taagan tahay wax tallaabo ah oo la qaadayna ma jirto, cabashadii reerkuna wali way taagan tahay haddii ay tahay lacagtii 2% ahayd, shaqaalayntii dadka, baylahdii deegaanadu dhinaca waddooyinka iyo dhismayaasha ka qabeen iyo moogganaantii dadkaasi qabeen wali waa sideedii.” ayuu yidhi xildh. bulqaas.
Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo had iyo goor farta ku fiiqa dhaliilaha xukuumadda, sidii Golaha wakiilladu shaqadooda u gudan lahaayeen iyo waliba sidii dadka deegaanada Bariga Somaliland xuquuqdooda loo siin lahaa, ayaa haatan mar kale soo nooleeyey doodiisii ahayd in xukuumadda la toosiyo oo baylahdeeda la tuso.
Somalidiasporannews.com
Contact@somalidiasporanews.com