Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo Qalinka ku Duugay Wejigii Labaad ee Heshiis Iskaashi
HargeysaMay 02,2013 (SDN/Hubaal)-waxa shalay soo gabagaboobaya Shir lagu darsayay sidii loo balaadhin lahaa heshiiska iskaashi ee dawladaha Somaliland iyo Itoobiya oo dorraad ka furmay Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa.
Shirkan oo socday shalay iyo dorraad, Waxa ay labada dawladood ku faaqidayaan sidii dib u eegis loogu samayn lahaa heshiis hore ugu dhex maray kal-hore magaaladda Diri-dhabe oo ku wajahnaa iskaashiga Ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal.
Wasiirka Duulista hawadda iyo Gaadiidka Cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo shirkaasi ka hadlay shalay furitaankiisii ayaa sheegay inay si kalsamaan ah u soo dhaweynayaan weftiga Itoobiya ka socday, waxaanu yidhi “Waxaynu nahay labada dal oo daris ah isku caado ah oo aad u saaxiib ah,waxaan weftiga iyo madaxda Itoobiya ka socota aan leeyahay ku soo dhawaada dalkiinii labaad.
Waxa labadeena dal inaga dhaxeeya dano badan. Waxaana loo baahan yahay danahaasi inaynu wada xaqiijino, mawqifka labadeena dawladoodna sidaasi weeye.”
Md. Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in labada dal sii joogteeyaan shirarka noocan oo kale ah oo uu tilmaamay in dib u eegis lagu samayn doono hadba wixii labada dawladood u hirgalay iyo wixii aan u qabsoomin.
“Waxa ina horyaala dad badan oo labadeena dalba cadow ku ah ammaankeena oo u baahan inaynu si wada jir ah ula wada dagaalano,waxa ina horyaala Ganacsiga sida tuugada ah lagu soo galinayo dalalkeena. Sidaas darteed, waxaynu u baahan nahay inaynu xoog isku kaashano iyo inaynu wax badan isla fahano,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Wasiirku waxa uu intaasi ku ladhay “Annagga Somaliland mowqifkayaga siyaasiga ahi waxa weeye inaanu Itoobiya wax wada qabsano oo is kaashano oo aynu wada yeelano dano balaadhan oo aynu ummadaheena ku horumarino.” Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim oo shirkaasi ka hadlay sheegay in shirkani daba socdo shir hore labada dawladood ugu yeesheen Diridhaba.
“Waxaan jecel nahay inaad masuuliyiinta ka socda dalka Itoobiya aanu ku soo dhawayno Hargeysa oo aanu nidhaahdo ku soo dhawaada Somaliland oo ah dal aad saaxiib tihiin,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Khaarajigu.
Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadu waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay heshiis iskaashi la yeelato Itoobiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonaynaa heshiiska labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya ay shirkan ku gaadhi doonaan inuu noqdo mid waxtar leh oo labada dhinacba raali-gelinaya,taasina way ka go’an tahay xukuumadda Somaliland.”
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya Fikru Tedesse oo u hadlay Weftiga ka socday Itoobiya, ayaa sheegay inay Somaliland ku ammaanayaan sidii diiranayd ee ay ugu soo dhoweeyeen dalka, isaga oo ku dheeraaday muhiimadda uu shirkani u leeyahay labada Dal, isla markaana ay Somaliland iyo Itoobiya yihiin laba dal oo walaalo ah oo ay waxyaabo badani ka dhexeeyaan, waxaanuu xusay inay filayaan in shirkan ay ka soo bixi doonaan qodobo wax ku ool ah oo wax tar u leh labada dal. Wefdigan ka socday dalka Itoobiya oo ka kooban 12-xubnood ayaa waxa ay ka kala socdaan wasaaradaha: Arimaha dibadda, Ganacsiga, Maaliyadda, Gaadiidka, Wadooyinka,wax-barashada,biyaha, Hay’adda arrimaha dekadaha ee dalka itoobiya iyo masuuliyiin ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dhinaca Somaliland-na waxa shirkaasi uga qayb geli doona ,masuuliyiin ka kala socda,Wasaaradaha Howlaha-guud, wax-barashada, maaliyada, dekedda Berbera, iyo Baanka Somaliland.
Shirkan ayaa waxa lagu sii am-baqaadayaa qodobadii ka soo baxay shirkii hore ee magaalada Diri-dhabe oo ku wajahnaa dhinactyada,Nabadgelyada, Isu socodka Ganacsiga iyo kor-u-qaadka dhaqaalaha labada wadan, iyo sidii ay dawladda itoobiya ay wax ugala soo degi lahayd Dekedda berbera, Iyada oo qayb ka mid ah weftiga itoobiya oo ka soo degay magaalada Berbera waxa ay soo mareen dekedda berbera, iyaga oo u dhaba galay hanaanka ay u shaqayso dekeddu.
Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noocisa ah ee Somaliland ka qabsooma tan iyo bilowgii xidhiidhka laba dawladood, waxaana la filayaa in maanta laga soo saaro qodobo laysku waafaqsanyahay oo ku aadan wax wada qabsiga labada dawladood.