Dawladda Xasan Sheekh Oo Go’aansatay Inay Ka Faa’iidaysato Khilaafka Al-shabaab, Ethiopia-na Ka Dalbatay Inay Gacan Ka Siiso Qabashada Hoggaanka Kooxda
Muqdisho:30-Dec-2013(SDN)-Dawladda Somalia ayaa la sheegayaa inay Haatan Go’aansatay inay Ka Faa’iidaysato Khilaafka kala jabiyey Kooxda Al-shabaab, iyadoo Haatan Dagaal ku ekaysay Goobo ay hore u fadhiyeen Kooxdaas lana wareegtay.
Ciidanka Dawladda iyo Kuwa Ethiopia, ayaa Shalay Dagaal kula wareegay Deegaano Hoos taga Degmada Bardaale oo ah Halka ay imika kooxda Alshabaab isku soo hadhay, waxana haatan jira qorshe kaas ka ballaadhan oo lagu baadi goobayo saraakiil sare oo ka Tirsan kooxda Alshabaab.
Sida ay sheegayaan wararka ka Imanaya Dhinaca Militariga Somalia, ayaa sheegaya in Ciidanka Somalia oo Garabsanaya kuwa Ethiopia ay ku raad joogaan Hoggaamiyaha Awoodda leh ee Sheekh Mukhtaar Robow abu Mansur oo ay si weyn iskaga soo hojeedaan Hogaamiye Godane oo ay hore saaxiib u ahaan jireen.
Isla shalayba waxa ay ciidanku dagaal ku qaadeen deegaano lagu tuhmayo abuu Mansuur, waxana la qabtay dhul hore uu gacanta ugu hayey, waxana sii socda Dagaaladdii lagu baadi goobayey sheikh Mukhtaar roobow.
Warar horudhac oo todobaadkii hore soo baxay ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Itoobiya ay billaabeen howlgal ay ku raadinayaan Sheekh mukhtaar ABuu Mansuur iyo saraakiil kale oo Alshabaab ka tirsan.
Ciidamo xooggan oo Ehiopian ah ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin inay la wareegaan oo qabsadaan Deegaanada loo aanaynayo inuu ku sugan yahay Sheekh Mukhtaar oo ay is hayaan Axmed Cabdi godane, waxana ciidanka Ethiopia ku lammaan Militariga Somalia, iyadoo la filayo inuu dhawaan ciidanku isku ballaadhiyo deegaamada Al-shabaab ku sugan tahay.
Iyadoo la aaminsan yahay in Alshabaab saraakiil sar-sare ay ku sugan yihiin deegaanno kamid ah Bay iyo Bakool kuwaasoo uu khilaaf kala dhaxeeyo Abuu Zubeyr oo ah hoggaamiyaha Alshabaabka.
Ciidamadan isku dhafka ah ayaa aaminsan inay haboon tahay in laga faa’iidaysto Khilaafka haatan u dhexeeya madaxda al Shabaab oo la hubo inuu wiiqay awoodooddii, waxana taasi ay uga faa’iidaysanayaan soo qabashada saraakiisha ugu sarreeya kooxda.
S.D.N