|

Dawladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Tallaabadii Hay’adda MSF Kaga Baxday Dalka

yariisow Muqdisho:15-Aug-2013(SDN)Hay’adda  MSF oo ka shaqeyneysay Soomaaliya 22-kii sano ee ugu dambeeyay, ayaa qaadatay go’aankan adag  ee ay Dalka kaga baxday, kaddib markii ay kordheen weerarrada xad-dhaafka ah ee loo geysanayo shaqaalaheeda, isla Shalayna ay xidhay 14 xarumood oo uga furnaa dalka soomaaliya.

 

Afayeenka Xukuumada Soomaaliya IngYariisoow  ayaa seegay in ay aad uga xun yihiin Go`aanka ay dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn  waxaan uu sheegay in uu yahay mid taageero siinaya kooxaha nabadiidak uu ugu yeedhay.

Eng. Yariisow, ayaa sheegay inay isku dayi doonaan  sidii ay u buuxin lahaayeen shaqadii ay shacabka u haysay Hay’adaasi, isagoo ku adkaystay inaanay jirin caddaadis gaar ah oo hay’addaas ka saarna dhinaca ammaanka.

 

Hay’adda ayaa isla maanta xidhaysa mashaariicdii caafimaad ee ay ka wadday magaalooyinka Muqdisho, Afgooye, Balcad, Diinsoor, Gaalkacyo, Jilib, Jowhar, Kismaayo, Mareerey iyo Burco.

 

Somalidiasporanews.com

Muqdisho/somaliya

Comments are closed