|

Dawladda Siiriya oo Mucaaradkeeda hubaysan ku eedaysay Xasuuqii magaalada Houla iyo tirada dadka uu kacdoonku galaaftay

Dimishiq 01, June 2012 (Qurbejoog.com)- Baadhitaan ay samaysay dawladda Siiriya, ayaa mucaaradka hubaysan ku eedeeyay inay masuul ka ahaayeen xasuuqii 108 qof ee shacabka lagu laayay ee todobaadkii hore ka dhacday magaalada Houla ee dalkaas.

Baadhistu waxay sheegtay in mucaaradka hubaysani laynta dadkaas u sameeyeen, si ay buunbuun ugu sameeyaan farogelin bulshada caalamka ah.

Masuuliyiinta baadhitaanka sameeyay, waxay qayb ahaan meesha ka saareen in wax door ah ay dawladdu ku lahayn xasuuqa loo gaystay dadka shacabka ah.

Dhaqdhaqaaqayaasha xusuuqal-insaanka Siiriya, waxay sheegeen in ciidanka dawladda Siiriya ama maleeshiyaad dawladda taabacsani inay ka dambeeyeen dilka inka badan 100 qof oo u badnaa carruur, kuwaasoo todobaadkii hore lagu laayay magaalada Houla.

Hase yeeshee, danjiraha dawladda Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay ambassador Susan Rice, waxay baadhistan ku tilmaantay mid aan la caddayn karin oo la soo dhoobdhoobay.

Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ka socdaa waxay sheegeen in ciidanka dawladdu waqtigaas dilku dhacay ay ka hawlgalayeen degaankaas.

Laakiin, General Qassem Jamal Suleiman oo hoggaaminayay kooxda dawladda Siiriya ee baadhitaanka ku sameeyay masiibadii Houla, waxa uu sheegay in boqolaal nin oo hubaysan oo jabhadda ka tirsani ay gawracaa sameeyeen, ka dib markii weeraro xidhiidhsan lagu qaaday shan goobood oo kaantarool. “Ciidanka dawladdu ma ay gelinba aaggaas uu xasuuqu ka dhacay, ka horna may gelin, ka dibna may gelin,” ayuu yidhi General Qassem.

Dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqal-insaanka ee dalkaasi waxay sheegayaan in 15,000 kun oo qof ku dhinteen tan iyo markii kacdoonka lagaga soo horjeedo Madaxweyne Bashar al-Assad uu bishii March ee sannadkii 2011 ka bilaabmay Siiriya, inkastoo ay dawladdu ka murmayso tiradaas.

Qurbejoog.com, Dimishiq

Comments are closed