Dawladda Ruushka oo ka hadashay gelitaanka gobollada Bariga Ukraine iyo wararkii u dambeeyay ee Aftida qabashadeeda lagu muransanyahay ee gobolka Crimea
London 14, March 2014 (SDN)- Dawladda Ruushka ayaa sheegay in haynin qorsheyaal ay ku gelayso deegaanka Koonfur-bari ee wadanka Ukraine, balse Kremlin oo ah aqalka looga taliyo dalkaasi uu ixtiraami doono natiijada kasoo baxda aftida laga qaadayo gobolka Crimea, sida uu sheegay Wasiirka Khaarajiga Moscow Mr. Sergei Lavrov.
Siday faafisay wakaalada wararka ee Reuters, kadib wada-hadalo saacado qaatay oo uu London kula yeeshay Xoghayaha Khaarajiga Maraykanka Mr. John Kerry, Jimcaha maanta waxa uu Mr. Lavrov sheegay in ilaa hadda aanu jirin itijaah guud oo Galbeedka ah oo ku saabsan Ukraine, sidaa darteedna aanay xukuumadda Moscow u baahanin in laga taageero si qaab-dhismeed caalami ah loogu heshiisiiyo qulqulatooyinka Kiev.
“Waxaanu tixgelin doonaa rabitaanka aayaha ee dadka reer Crimea [gobol ka tirsan Ukraine, balse u jandheedha Ruushka] ee aftida soo socota,” ayuu Sergei Lavrov u sheegay warfidiyeenada oo uu kula hadlayay guriga uu London ka degenyahay Danjiraha Ruushka u jooga Ingiriiska.
“Midowga Ruushku maaha, mana yeelan karo wax qorsheyaal oo uu ku galo gobollada Koonfur-bari ee Ukraine,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ruushka Mr. Sergei Lavrov.
Dhinaca kale, Maraykanka, Midowga Yurub iyo dalal dhawr ah ayaa ku hanjabi inay talaabo ka qaadayaan Ruushka, haddii la qabto ama la meelmariyo aftida lagu wado in maalmaha soo socda la qabto ee gobolka Crimea ee dalka Ukraine uu ku muujinayo, si uu ugu biiro dal-weynaha Ruushka. Bilowgii qalalaasaha siyaasadeed ee dhawr todobaad ka hor ka curtay dalka Ukraine, waxa gobolka Crimea qabsaday ciidamada dalka Ruushka, iyadoo Baarlamaan-gobolleedka Crimea todobaadkii hore ku dhawaaqay in 10 maalmood gudahood lagu qabto afti dadweyne, si gobolkaasi u helo aayo-ka-tashigiisa uu ugu biirayo Ruushka.
Qurbejoog.com, Moscow