Dawladda Maraykanka Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Safraan Dalka Kenya
Washington:05-April-2014(SDN)-Sida ay Baahisay Wakaaladda Wararka ee AFP, Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa uga digtay dadka u dhashay Maraykanka inay khatar la kulmi karaan haddii ay u safraan dalka Kenya.
Warkan ayaa intaas ku daraya in Waaxdaasi ay Gebi ahaanba Muwaadiniinta Maryakanka ah uga Digtay inay u safraan Dalka Kenya oo Muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka Jirtey Ammaan Darro Ballaadhani.
Qoraalka ayaa lagu booriyey Muwaadiniinta Maraykanka inay ka fekeraan ammaankooda khaaska, ka hor intaysan u safrin dalka Kenya, gaar ahaan inay ka taxadaraan inaysan tegin goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan sida Hoteelladda, goobaha habeenkii lagu caweeyo, Xeebaha, Xarumaha Ganacsiga, Baararka laga cunteeyo, Saldhigyadda basaska laga raaco iyo goobaha lagu cibaadaysto.
Hadalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxaa kaloo lagu sheegay inay Dowladda Maraykanka helayso Warbixinno muujinayo cabsi weeraro argagixiso oo ku wajahan danaha Maraykanka, iyo Reer Galbeedka ku leeyihiin gudaha dalka Kenya, oo ay ku jiraan xayndaabka magaalladda Nairobi iyo magaallooyinka xeebta leh ee Mombasa iyo Diani oo inta badan ay Dadka ajaanibka ahi si weyn u booqdaan.
Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanku waxay tilmaamtay inay Digniintani tahay mid lagu cusbooneysiiyey digniintii la soo saaray bishii September ee sannadkii hore, kadib, markii weerar lagu qaaday Dhismihii Ganacsiga ee Westgate, oo lagu dilay 67 qof, iyadoo dadkii dhaawacmay ay ka mid ahaayeen 5 u dhalatay dalka Maraykanka.
Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay shalay ka digtay inay Muwaadiniintooda u safraan caasimadda dalka Brundi ee Bujunbura, oo laga cabsi qabo inay Xarakadda Alshabaab weeraro ka fuliyaan.
Inta badan Dalalka Afrikanka ah ee Ciidamadoodu joogaan Dalka Somalia, ayaa ka cabsi qaba in kooxda Alshabaab ay aargoosi ku samayso, waxana ay Taasi keentay in Dhaqaalihii ka soo Geli Dalxiisku u Hoos u dhaco, sida haatan ka Taagan Dalka Kenya.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com