Dawladda Maraykanka Oo Dhegaha Djibouti Maqashiisay Warkii Ugu Naxdinta Badnaa
DJibuuti:June,09,2014(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Maraykanka ayaa soo saartay war degdeg ah oo sheegayaa inaanay Muwaadiniinteedu u safri Karin Dalka Djibouti oo ay ku soo korodhay cabsiyi.
Warkan ayaa waxa soo saaray Wasaarada arimaha dibada ee dowlada Mareykanka, waxana lagu sheegay in amaanka Djibouti ay xaalad cabsiyeed ku soo korodhay.
Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in laga baqayo in Alshabaab oo doonaya inay weeraraan danaha Mareykanka ee qaarada Africa iyo dalka Jabuuti ay waxyeeleeyaan muwadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalka Jabuuti.
Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa sheegtay inay jiraan warbixino dhanka amniga oo ay helayaan oo ku wajahan xaalado dhanka amniga ee dalka Jabuuti iyadoo 24 kii May dalkaasi ay ka dhaceen qaraxyo waxyeelo geystay.
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii ka dhacay dalka Jabuuti kaasi oo sababay dhaawacyo soo gaadhay ciidamo ajaaniib ah oo ku sugnaa dalkaasi Jabuuti.
Alshabaab ayaa jeediyay hanjabaado kala duwan waxii ka dambeeyay markii sanadkii 2011 ciidamada Jabuuti ay kamid noqdeen ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya ku sugan.
Shaqaalaha safaarada Mareykanka ee Jabuuti ayaa dhankooda loo jeediyay inaanay aadin goobaha dadweynaha ay ku kulmaan ee kuyaala dalka jabuuti ayna ka fogaadaan goobahaasi.
Arrintan ayaa warwar gelinaysa Dalka Djibouti oo intiisa Badan ku tiirsan Dalka maraykanka, waxana Halkaas ku sugan oo xeryo ku leh Kumanaan ka tirsan ciidamada Maraykanka oo Djibouti ay dhaqaale xoog leh ka hesho.
SDN/QJ-