Dawladda Maraykan Oo Sheegtay Inay Dalka Nigeria u Dirayso Ciidamo Iyo Khubaro Kale Si Ay Gacan Uga Geystaan Soo Daynta Habalaha La Af-duubtay
07,May,2014(SDN/QJ)- Waxa wali meel ay Jaan iyo Cidhib dhigeen la la’yahay Hablo 100 kor u dhaafaya oo laga Aftuubtay Iskuul ku yaala Dalka Nigeria.Madaxweynaha Dalka Nigeria Goodluck,ayaa waxa uu u soo jeediyay Waalidiinta Hablaha dhashay Inay Dawaladda gacan ku siiyaan Hawlaha Badbaadinta Hablaha Ciyaalo Iskuulka,kuwaaso dhawr Todobaad la raacdaynayo.
Dhinaca kalena Waalidiidiinta ayaa Xukuumadda Ku dhaliiyay inay sidii ay ahayd uga Hawlgalin Samto bixinta Caruurtooda.Milatariga Dalka Nigeria,ayaa la sheegayaa ina lagu daadiyay Dhulka Kaymaha iyo Lama-dagaanka oo la tuhunsanyahay in Hablaha ay ku haystaan Kooxa Dagaalka iyo Qaska ka wada dalka ee loo Yaqaano Boga Xaram.
Warar la ay Warbaahinta caalamku helayso eek u saabsan Habalaha la Aftuudtay,ayaa sheegay in qaarkood la Iibsaday oo la guursaday,halka qaar kalena lagala talaabay Xuduuda wadamadda Jaarka ah sida Kamaruun iyo Jaad.
Geesta kalena,Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay ciidamo iyo koox kale oo quburo ah u dirayso dalka Nigeria, si ay uga caawiyaan soodaynta gabdhaha ardayda ah ee la haysto.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com