Dawladda Kenya Oo Goor Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Ka Qoomamaysay Ammaandarrada Ka Soo Gaadhay Gelitaankeeda Somalia
Nairobi:04-Jan-2014(SDN)-Kenya ayaa u muuqata mid qarsan kari la’ dhibka xagga ammaanka ah ee ay u geysatay Gelitaankeeda ciidda Somalia.
Saraakiil sar sare oo Kenyan ahaa ayaa xusay in waddankoodu ammaan darro iyo dhibaato kaleba ka dhaxlay ku Biiriaankooda ciidamada Amisom iyo Waliga Gelitaankoodii Magaalo xeebeedda Kismayo oo ay Haatan gacanta ku hayaan.
Saraakiisha oo qaarkood ay la hadleen wakaalada wararka ee caalamka ayaa sheegay in weeraro dhowr ah oo qaraxyo u badan laga geystay tan iyo markii ay ciidamadooda galeen dalka Soomaaaaliya.
Jack Ekakuro oo ka mida saraakiisha hadlay ayaa tusaale u soo qaaday weerar shalay lagu qaaday Baar ka tirsan magaalada xeebeedka Diana oo waqooyi uga beegan magaalada Mambasa, halkaas oo dad aan waxba galabsan lagu dhaawacay.
Weerarkaas oo loo adeegsaday Bambo gacameed ayaa sababay dhawaaca 10 qof oo ku sugnaa baarkaasi, iyadoo aan la qabanin dadkii weerarkaas ka dambeeyey, waxana arrintani ay halis gelinaysaa in la isku soo halleeyo Dhulka Kenya iyo xeebaheeda oo dad badani dalkxiis u yimaadaan.
Bishii la soo dhaafay ayaa weerar noocan oo kala ah lagu qaaday dalxiisayaal ka British ah oo ku sugnaa isla magaaladaas lagu magacaabo Diana.
Ciidamada Kenya ayaa bishii ocotobar ee sanadii 2011 soo galay dalka Soomaaliya xiligaas oo ay sheegeen inay dowlada Somaliya ku gacan siinayaan la dagaalanka xarakada Alshabaab.
Dhalin yaro ku soo barbaaray dalka Kenya oo aad ula dhacsan fikradaha kooxaha xag jirka ah sida Alshabaab ayaa la tilmaamay inay maleegayaan shirqoolo ka dhan ah dowlada Kenya.
Kenya ayaa Mallaayiin dollar oo ay dhinaca xalxiiska ka heli jirtey ku weyday Gelitaankeeda Somalia, maadaama ay kumanaan dalxiisayaal ahi nafahooda kala baqeen dhibka ay kooxaha hubaysani ku hayaan ammaanka Kenya.
Lama Filayo inay Kenya ka baxdo Somalia si ay ammaankeeda uga shaqayso, waxana haatan ay u muuqataa sidii hore loo yidhi Nin qoyani Biyo iskama Dhawro.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com