Dawladda jibouti oo Faahfaahin Ka Bixisay Weerar Khasaaraha Dhaliyey Ee Ka Dhacay Garoonka Diyaarahada
Djibouti:Aug,26,2014(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Djibouti ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay Weerar maalintii shalay ka dhacay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Djibouti.
Warsaxaafadeed ay soo saareen ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Xaarusu jamhuurka loo yaqaanno, ayaa lagu sheegay inaan dhacdadadaasi ahayn mid madaxweynaha saamaysay, isla-markaana ay ku ekayd ciidamada dhexdooda.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu beeniyey warar warbaahintu qortay oo sheegayey in madaxweynaha la doonayey in lagu khaarajiyo isku daygan, waxana lagu sheega in mid ka mid ciidanka Xaarisu jamhuurku uu rasaasta furay, balse lama sheegin sababta dhalisay.
Waxa war-saxaafadeedkan lagu sheegay in gacanta lagu dhigay askarigii rasaasta furay, isla-markaana baadhitaan lagu hayo sababta ku kalliftay inuu Garoonka rasaas ka riddo xilli uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geellle soo Degayey.
Sidoo kale waxa la tilmaamay in Rasaasta garoonka diyaaradaha dhexdiisa ka dhacday lagu dhaawacay laba qof oo midkood ahaa Sarkaal sare oo ciidanka Xaarisul jamhuurka ka tirsan oo magaciisa lagu sheegay Kornayl Idiris, kaas oo ahaa Dhakhtarka guud ee Ciidankani lahaa.
Waxa warsaxaafadeedkan lagu xusay in ciidanku ka cudur daaranayo dhacdadaas, isla-markaana arrintaasi aanay ku lug lahayn dhinaca madaxweynaha oo xilligaas diyaaradiisu garoonka ku sugnayd.
Madaxweynaha ayaa ka yimi magaalada addis ababa oo kaga qayb gelayey shirarka Midowga Afrika, waxana la sheegay inuu si nabadgelyo ah ugu amba baxay aqalkiisa magaalada Djibouti ku yaalla.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com