Dawladda Itoobiya oo Shir ay ku heshiisiinayso u qabanaysa Maamullada Deegaanka Soomaalida iyo Canfarta
Jigjiga. 18, April 2012 (SDN)- Dawlada federaalka Itoobiya ayaa xooga saaraysa sidii xal waara loogu heli lahaa Arimaha Khilaafaadka Dhulka Xuduudaha ee u dhaxeeya DDSI iyo Canfarta oo muran soo jireeni ah uu ka dhaxeeyo kuna saabsan lahaanshaha tuulooyin ku yaala xuduudaha ay wadaagaan DDSI iyo Canfartu.
Khilaafaadka Dhulka Deegaanada Xuduudaha ee ay Gobolka Shiniile DDSI la leeyihiin Deegaanka Canfarta ayaa soo jiitamay,iyadoo ay Deegaanka Canfartu sheeganayso in 3da Magaalo ee lagu kala magacaabo Cadayta,Cundhuftu iyo Gadhamaytu ay yihiin Tuulooyin ka maqan Canfarta asal ahaana leeyihiin, balse 3daa tuulo oo ka kala tirsan Degmooyinka Afdem iyo ma’ayso ay si buuxda u degan yihiin wakhti xaadirkan Shacabka DDSI. Hadaba Dawlada Federalka oo ka jawaabaysa Cabashooyinka khilaafaadka soo jiitamay ee dhinaca lahaanshaha dhulka ay ku muransan yihiin DDSI iyo Canfarta ayaa ay DFI go’aansatay in ay shir 2geesood ah ugu qabato Magaalada Addis-ababa Maanta Salaasa ah DDSI IYO CANFARTA.
Shirkan lagu eegayo xalinta khilaafaadka soo jireenka ah ee ka dhexeeya 2dan dawlada deegaan ee ku muransan lahaanshaha 3datuulo een kor ku soo sheegnay kunayaala xuduudaha ay wadaagaan ayaa ka dhici doona magaalada addis-ababa maanta, iyadoo ay 2da dawlada- deegaanba ay ka soo qaybgali doonaan wufuud ay hogaaminayaan madaxweynayaasha DDSI iyo Canfarta.
SDN, Jigjiga