|

Dawladda Ingiriiska oo ka hadashay inta ciidankeedu sii joogayaan dalka Afgaanistaan

Kabul 20, May 2012 (Qurbejoog.com/FT)- Dawladda Ingiriiska, ayaa ka hadashay xilliga ay ciidankeeda gaarka ah ee ka tirsan hawlgalka NATO ee Afgaanistaan sii joogi doonaan dalkaas.

Sida uu sheegay Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa London, dawladda Britain waxay sheegtay in ciidankeedu sii joogi doonaan Afgaanistaan tan iyo inta uu 2014 ka ka dhamaanayo doorkeeda hawlgalkaasi.

Warku wuxuu intaa ku daray, in madaxda isbahaysiga ciidanka NATo isugu tageen magaalada Chicago ee dalka Maraykanka, si ay u naaqishaan sida loo maaraynayo hagida Afgaanistaan xilliga kala-guurka.

Ilaa 200 oo askari oo ka tirsan SAS oo ah ciidanka gaarka ah ee UK, waxay u sii joogi doonaan si ay ula dagaalamaan Argagixisada, sida uu sheegay lataliye sare oo ka tirsan dawladda Britain.

“Badi ciidanka sii joogi doona Afghanistan (ilaa 2014), waxa doorkoodu noqonayaa tabobarka iyo kormeerka, tusaale ahaan Akademiyada Tabobarka masuuliyiinta ee qaranka Afgaanistaan,” ayuu yidhi.

Qurbejoog.com, Kabul

Comments are closed