Dawladda Iiraan oo ka hadashay xaddiga saamaynta ay Budhcad-badeeda Soomaalidu ku yeelatay Dhaqaalaha Adduunka iyo doorkeeda la-dagaalankooda
Tehran 08, May 2012 (Qurbejoog.com/TTimes)- Taliyaha ciidanka Badda ee dalka Iiraan, ayaa ka hadlay xaddiga saamaynta ay Budhcad-badeeda Soomaalidu ku yeelatay dhaqaalaha Adduunka.
Taliyaha ugu sareeya ciidanka Badda Iiraan Admiral Habibollah Sayyari, waxa uu Salaasada maanta sheegay in kooxaha Budhcad-badeeda Soomaalidu ay qiyaas ahaan sababeen waxyeelo ka badan $7 bilyan oo doolarka Maraykanka ah oo ka dhan ah dhaqaalaha caalamka, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimada hawlgalka ka dhanka ah Budhcad-badeeda ee ay dawladda Iran ka wado biyaha caalamiga ah.
Siday sheegtay Tehran Times, Admiral Habibollah waxa uu hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirkii 20aad ee ururka badmareenada dalkiisa oo lagu qabtay jasiirada Kish Island oo ku taala gacan-biyoodka Persian.
Waxa uu sheegay in Budhcad-badeeda Soomaalidu sababtay khasaaraha qiyaas ahaan 7 ilaa 12 bilyan oo dollar iyo afduubka 1,090.
Admiral Sayyari waxa uu sidoo kale sheegay in dawladda Maraykanku dhiirigelisay sida uu hadalka u dhigay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya, wuxuuna ka hadlay sababta keentay dhibaatada ka taagan dalkaas oo 21-kii sannadood ee u dambeeyay dhibaatooyin ka socdaan. “Khilaafaad gudaha ah, Kalluumaysiga sharci-darrada ah ee biyaha Soomaalida iyo ku daadinta wasakhda Nukliyeerka ee dalal sugani, waxay sababeen shaqo la’aanta iyo degenaansho la’aanta xeebaha dalkan (Somalia),” ayuu yidhi taliyaha ciidanka Badda ee dalka Iiraan.
Qurbejoog.com, Tehran