Dawladda Federaalka Soomaaliya: Oo Ka Gaabsatey Geerida Halyeyga Kubada Cagta Ee ‘Shangole – AUN’ Wiilkiisa Awgiis Oo Ka Tirsan Alshabaab
Iyadoo ay dadka aduunka ee qadariya kubada cagta iyo Soomaalidiba weli dareemaayaan geerida kaptankii ugu horeeyey ee kooxda Qaranka kubada cagta ‘Captain Maxamed Qalaf Aadan Shangole’, ayaa dawladda federaalka ee Soomaaliya ay ka gaabsatay in ay ka hadasho kabtanka geeridiisa.
Waayahii danbe, Shangole waxa uu ahaa nin kor u qaada shucuurta cayaartoyda sida qar ka mida kooxdiisii hore ay muujiyeen. Ka dib wuxu noqday halyga isboortiga Soomaaliyeed, isagoo si firfircoon uga qayb qaadan jiray dhammaan noocyada Sportiga oo dhan.
Markii ay hogaanka kubada cagta Soomaaliyeed iyo waaxdeeda warbaahinta u qaabilsan ay ku dhawaaqeen geerida Aden Shangole Talaadadii la soo dhaafay, waxay bilaabeen in ay helaan fariimo tacsiyeed, oo ka imanayey saraakiisha isboortiga ugu sareesa qaarada Afrika iyo dunidaba.
Isla markiibana, madaxa Xiriirka Kubada Cagta ee Soomaaliyeed Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa ka helay warqad qoraal ah oo ka socota Madaxweynaha Kubada Cagta ee Aduunka (FIFA) Mr Joseph S. Blatter, isagoo weydiistey in uu u gudbiyo tacsi eheladii marxuumka iyo bahda kubada cagta ee Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha midowga Kubada Cagta ee Afrika (CAF) Issa Hayatou, ayaa wargeliyay in xiriirka Kubada Cagta ee Soomaaliyeed in uu la qaybsanayo beesha Sportiga Soomaaliya tacsida, kana codsaday in laga gaarsiiyo fartiintaas dadwaynaha Soomaaliyeed o dhana.
Xoghayaha guud ee CECAFA, Nicholas Musonye, ayaa waxaa uu ka mid ahaa madaxda Afrika oo ay xiriirka Kubada Cagta ee Soomaaliyeed ka heshay tacsi diiran, isagoo yiri aniga iyo ururka CECAFA waxaan la qaybsanaynaa walaalaheen Soomaaliyeed geerida ku timi halgayga Soomaaliyeed, ahana Kabtankii ugu horeeyey ee Kooxda Kubada Cagta ee Soomaaliya. Wuxuuna ka codsaday in ay waaxda warbaaahinta ee Xiriirka Kubada Cagta ee Soomaaliyeed uu u gudbiyo tacsi diirab ee uu u diraayo qoyska marxuumka iyo bahda Kubada Cagta ee Soomaaliyeed oo dhan.
Xoghayaha Xiriirka Kubada Cagta ee Soomaaliyeed, Abdi Qani Said, ayaa sidoo kale ku tilmaamay halyeeyga, Shagole, in uu aduunka dhaafay, laakiin dhaxalkii uu ka tagay uu ahaan doono mid dhiiri geliya jiilka soo socda.
Haddana, Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha ama Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliyeed – ahna madaxda saddexda laamood ee ugu saraysa xukuumada Soomaaliya ee hada jirta, ayaan weli hadal xusaaya marxuumka, shaqadiisii qaran ee wadankiisa gutey aan weli laga maqlin.
Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan bahda cayaaraha, gaar ahaana bahda cayaartoyda Kubada Cagta ayaa ku tuhmaya in dowladda iyo ka aamuska geerida halyeyga, ay tahay mid ula kac ah, loona badinaayo in ay arintaan la xariirto wiilkiisa oo raacsan ururka Argagixisda ee looyaqno Alshabab, inkastoo halyeyga iyo wiilkiisa Sheik Fua’d Shangole, gebi ahaanba ay kala fikrad duwanaayeen marka laga eego dhinac kasta.
Sidaa darteed, bahda Sportiga Soomaaliyeed ee Qurbaha, gaar ahaan, Qurbojoogta Minneapolis, ee gobolka MN , ee u dhuundaloosha Sportiga Soomaaliya, ayaa arintaan si xooggan ugu cambaarayey ka sida xaq darada oo ay dawladda Soomaaliyeed iska indho tirtay geerida halyeyga dhaxalgalka ah ee Kubada Cagta Soomaaliyeed. Laakiinse aynu niraahno, haddii ay xukuumadda Soomaaliya iska indho tirtey halyeyga, waxaan marna iska indha tirayn guud ahaan dadwaynaha Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaana bahda Sportiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, xusina doona taariikhdiisa dhaxalgalka ah.
Waxaa qoray: Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’ – Wariye madaxbanaan, oo wax ka qora arimha Soomaalida, kuna nool magaalada Minneapolis, MN – email: junlay99@aol.com