|

Dawladda Ethiopia Oo Shaaca Ka Qaadday Inay Ku Biiri Doonta Xoogagga Amisom

Adis Ababa:10-Nov-2013(SDN)Muran Badan iyo Dhaleecayn qaad ka mid shacabka Soomaalidu ka qabeen Tallaabooyinka ay ciidanka Etiopia ku soo Galaan Ciidda Soomaalidu, ayuu Ra’isal wasaaraha Ethiopia ku dhawaaqay inay arrintaas shacrciyeyn Doonaan.

etoobiyaRa’iisalwasaaraha Ethiopia , Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in ciidanka dalkiisu ay ku biirayaan howl-galka AMISOM ee dalka Soomaaliya iyada oo laga duulaayo dadaalada Shabaab lagu wiiqaayo, iyo u Hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah.

Desalegn ayaa sheegay in ciidankiisu ay howl-galka nabad ilaalinta ku caawin doonaan Kenya iyo  Uganda  kuwaas oo dalka u jooga in ay Shabaab cidhib tiraan.

Wasiirka koowaad ayaa waxa uu hadalkan ka sheegay kulan uu William Ruto oo ah madaxweyna ku-xigeenka Kenya kula yeeshay magaalada Addis Ababa.

“Saraakiisha ciidanka dalkeyga hore ayey wada hadal ula sii galeen saraakiisha la midka ah ee dalka Kenya si aan ugu biirno AMISOM”, Desalegn ayaa ku waramay, waxaana go’aanka soo dhaweeyay madaxweyna Ku-xigeenka Kenya.

Ciidanka Ethiopia ayaa xilligan ku sugan dalka Soomaaliya inkasta oo aanay kamid aheyn ciidamada AMISOM waxaana siyaasiyiinta qaar ay sheegayaan in Shabaabku ay taageera ka heli doonaan dad badan oo neceb Ethiopia haddii ay howlgalka AMISOM kamid noqoto.

Dhinaca kale waxa jira shacab badan oo soo dhaweynaya arrintan, maadaama markii hore ciidanka Ethiopia sifo sharci darro ah iskaga soo Geli jireen dhulka soomaalida.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

Comments are closed