|

Dawladaha Islaamka oo taageeray madaxbanaanida Soomaaliya

Banjul (QJ) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero mug leh ka heshay shirkii ugu dambeeyay ee Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Islaamka, kaasi oo shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Banjul ee xarunta dalka Gambia.

Kulanka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed lagu taageerayo nabadda, xasilloonida, hoggaanka iyo midnimada Soomaaliya, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii xukuumadda Abiy ay saxiixday heshiis muran badan dhaliyay oo ay Somaliland ku siisay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, taa bedelkeedana ay Itoobiya ku aqoonsaneyso Somaliland.

Sidoo kale, wasiiradda dalalka Islaamka ayaa bayaankooda ku adkeeyey inaysan taageersanayn in Soomaaliya lagu fara-geliyo hoggaanka iyo madax-bannaanida dhuleed.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay taageero loo muujiyay musharax Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam oo ah musharaxa u taagan guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Maalinta berito ah ayaa magaalada Banjul waxaa ka furmaya shir madaxeed ay isugu imaanayaan madaxda dalalka Islaamka, waxaana ka qeyb galaya 57 dowladood oo xubnaha ka ah ururka.

Comments are closed