|

Dawlada Waddanka Kenya oo Dufcadii 1aad ee Somali ah u Masaafurisay Muqdisho

Nairobi 09.April 2014 (SDN)- Siddeetan iyo labo qof oo Soomaali ah oo ka tirsan dadkii lagu qabqabtay howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayay maanta diyaaraddii wadday ka duushay Nairobi iyadoo ku sii jeedda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Masaafuris-225x300Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Ambassador Maxamed Cali Nuur (America), oo Xog Waran uu Warbaahinta siiyay  ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bixineyso lacagta ku baxaysa dib u celinta dadkaas.

Danjiraha oo sii raacay dadka la masaafurinayo ayaa sheegay in dadka la celinayo oo isugu jira dad da’ ah, dhallinyaro iyo carruur ay ku faraxsan yihiin in ay dib dalkooda ugu laabtaan.

Wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba oggolayn in la bah-dilo dadka Soomaalida ah ee jooga Kenya, madaxda Soomaaliyeedna ay dowladda Kenya kala hadleen ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.

Danjire Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in ilaa kun qof oo Soomaali ah oo sharciyo kala duwan haystay ay maalmihii la soo dhaafay dowladda Kenya ka sii deysay xabsiyada, isagoo tilmaamay in dowladda Kenya ay xaq u leedahay in ay codsato in dib loo celiyo dadka aan sharciyada ku joogin dalkeeda.

Howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa saameyn xooggan ku yeeshay ganacsigii ay Soomaalida ku lahaayeen xaafaddaas.

Nairobi SDN.

Qurbejoog@gmil.com

Comments are closed