|

“Dawlada Turkey-gu waxay horay u balan qaaday dhismaha Jidka Isku Xidha Jabouti – Zaylac, Somalilandna…”

Saylac 14.June 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xubno kale oo Wasiiro ah ayaa Maanta Soo gaadhay Magaalada Saylac isla markaana dib ugu laabtay dalka Jabuuti.

XIRSI IYO SAYLACWasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku daabacay barta uu ku leeyahay Face-book-ga, waxaanu yidhi

Kormeer Abaabul iyo Dardar Gelin iskugu jira oo aan Maanta ku Tegnay Zaylac

“Dawlada Turkey-gu waxay horay u balan qaaday dhismaha Jidka Isku Xidha Jabouti – Zaylac”

“Dawladeena Somaliland-na waxaan Abaabul uugu jirnaa hirgelinta JIdka isku Xidha Zaylac – Borama”

Waxay ahayd maanta abaaro 10:30 Subaxnimo kadib markaan socdaal dhulka ah kaga soo baxnay dalka Jabouti anagoo u soo jeedna Caasimada Gobolka Selel ee Zaylac.
Ugu horayn waxaan soo gaadhnay magaalada Lawyacado oo ah magaalo saaran xadka aan la leenahay dalka aynu jaarna nahay ee Jabouti,
Waxaan indho-indhayn iyo kormeer ku soo marnay xafiisyada dawladeena Somaliland ee ka hawl gala degmada Lawyacado oo ay mid yihiin Xafiiska laanta Socdaalka “Immigration Office”, Saldhiga Degmada iyo guud ahaan xarumaha dawlada..

Kadib waxaan halkaas ka sii wadnay safarkii aanu uugu jirnay magaalada Zaylac ee xarunta Gobolka Salel, ka hor intii aanu gaadhin degmada Zaylac waxaanu sii marnay tuulada caanka ku ah samaynta iyo soo saarka Milixda ee “Toqoshi” ,
Toqoshi waa goob ku caan ah soo saarka iyo dhoofinta Milixda isla markaana Alle ku manaystay il dhaqaale oo u baahan horumarin iyo ka faa’idaysi ,
Socdaal Saacado qaatay kadib waxaanu gaadhnay Magaalo Xeebeedka taariikhda dheer ee Zaylac

Wakhtigii aanu halkaas ku sugnayn ayaan kormeer iyo dardar gelin maamul ku samaynay xarumaha kala duwan ee dawlada isla markana kulamo la yeelanay masuuliyiinta heer Gobol iyo heer degmo dhamaana waxaanu isla meel dhignay, kor u qaadida adeega bulshada, adkaynta amaanka iyo ka faa’idaysiga khayraadka uu kamid yahay Kaluunku.

Kadib waxaan maamulka iyo shacabka kala hadalnay in loo baahan yahay in muruq iyo maalba la Iskugu geeyo sidii loo hirgelin lahaa jidka isku xidha Degmada Zaylac ee Xarunta Gobolka Salel iyo Degmada Borama ee Caasimada Gobolka Awdal

Waxaa hubaal ah khayraad walba oo aan u baahanahay in aan ka faaidaysano in uu u baahan yahay jid la mariyo isla markana marwalba muftaaxa horumarku yahay Waddo

Sidoo kale waxaan abaabul iyo gogol xaadh ku soo samaynay jid aan balan qaadkiisa ka haysano dawlada Turkey-ga oo isku xidhi doonaa Zaylac iyo Dawlada aan jaarka nahay ee Jabouti

Safarkan aan maanta ku tegnay Degmada Zaylac ayaa noogu soo dhamaaday rajo fiican iyo abaabul xoogan .

Guud ahaan Maamulka iyo shacabka ku dhaqan degmada Zaylac ayaa si hufan u balan qaaday in ay horumarka dalka ka socda qaybtooda ka qaadan doonaan isla markaana abaabul xoogan ka geli doonaan sidii ay u hirgalin lahaayeen jidka isku xidha Zaylac iyo Borama.

Saylac SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed