|

Dawlada Suudaanta Konnfureed oo Xabad joojin aqbashay madax mucaaridka ka midana sii deysay

Nairobi Dec 28,2013(SDN)-Dawlada dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in ay aqbashay xabad joojin ay soo jeediyeen madaxda dawladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Dawlada Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in ay hakineyso hawlgal balaaran oo ay dib ugu qabsaneyso gobolka Unity State ee shidaalka qaniga ku ah.

Soojeedinta xabad joojinta ee madaxda IGAD oo laga soo saaray shir Nairobi ka dhacay ayaan lagu casuumin madaxda xoogaga mucaaridka.

Waana sababtaa ta aaney dad badani u aaminsaneyn in xabad joojin dhexmarta dawlada iyo mucaaredkeedu inĀ  ay hirgeleyso.

Geesta kalena dawlada Koonfurta Suudaan ayaa xabsiga ka siideysay siyaasiyiin dawlada ka mid ahaa oo lagu eedeeyay afganbi dhicisoobay oo December 15keedii fashilmay.

Siideynta siyaasiyiinta ayaa waxa dalbaday madaxda xoogaga hubeysan ee dawlada Juba ka soo horjeeda.

Dalka Koonfurta Suudaan oo laba sano uun jiray ayaa u muuqda mid gebi ahaantiiba ku burburay laba todobaad oo kacdoon ka socday.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed