|

Dawlada Sucuudiga oo Xujeyda Soomaaliya iyo Kiinya ku xiray Talaalka Dabeysha

Riyadh Aug 28,2013(SDN)-Dawlada dalka Sucuudiga ayaa goaan ay shaacisay ku sheegtay in ay xujeyda dalalaka Soomaaliya iyo Kiinya ka dalbatay in ay iska talkaalaan cudurka Dabeysha ka hor inta aaney soo gaarin dalkooda.

“Xujeydu waa in ay heystaan cadeyn ama shahaado caafimaad oo muujineysa in ruuxa dalkeena imanaya uu heysto”ayaa qoraalka lagu yiri.

Wasaarada Caafimaadka ee dalka Sucuudiga ayaa sidoo kale qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in ruux walaba oo ka mida xujeyda in mar kale la talaali doono,da’aduu doono ruuxu ha ahaadee.

Xujeeyda Soomaaliya iyo Kiinya ayaa arinkani ku noqon kartaa caqabad hor leh oo soo wejahda.

SDN-Riyadh
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed