Dawlada Soomalaiya oo Turkey u wakiilatay wadaxaajoodkii ay la leheyd Somaliland iyo Doorka UK
Istanbul April 10,2013(SDN)-Dawlada Soomalaiya oo ay aheyd in wadaxaajood ay dalka Turkiga kula yeelato Somaliland ayaa waxa mashquuliyay maamul u sameynta Jubbooyinka iyo safaro ay sadexdii masuul ee dalka u sareyay safaro ku gaalaa baxayaan.
Waxaana ay dawlada Soomaaliya qoraalada ay shirka u guddbineyso u wakiilatay dalka martida loo yahay ee ay aheyd in uu wadaxaajoodka labada dhan dhex u noqdo.
Dawlada Turkiga ayaa hore u shaacisay mowqifkeeda ku wejahan midnimada Soomaaliya,waana sababtaa ta keentay in dawlada Soomaaliya ay ku dalbatay in ay qoraalada qodobada shirka ay iyadu u diyaariso.
Kulanka wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo ay isku dubariday dawlada BritainĀ ayaa looga gol leeyahay sidii aanu u fashilmin shirka London ee May.
Dawlada Britain ayaa dooneysa in ay caalamka u muujiso in dawlada Soomaaliya masuul ka tahay guud ahaan dalkii Soomaaliya,oo Puntland shirka joogto,Somaliland ay wadahadalo kula jirto.
Sidoo kale wararka dheeriga ah ee naga soo gaaraya qodobad ashirka lagu lafo guridoono iyo goaamada ka soo bixi doona ayaa hore Britain u diyaarisay.
Waxa qura ee Somaliland iyo Soomaaliya fursad loo siiyay in ay raaciyaan qodobo aaney midnimo iyo gooni isu taagba ku jirin in ay soo bandhigaan.
Ilaa iyo haatan ma cada cida Soomaaliya shirka ku meteli doonta iyo sida natiijada shirku u saameyn karayo shirka London ee May.
SDN-Istanbul
contact@somalidiasporanews.com