|

Dawlada Soomaaliya ooTaageertay hawlgalada Ciidamada Kenya ku bartilmaansanayaan Soomaalida Nairobi ku nool

Muqdisho April 13,2014(SDN/QJ)- Dawlada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay taageersan tahay in hawlgalada ciidamada amaanka ee dalka Kenya ka wadaan xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh.

Safiirka Dawlada Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dawlada Soomalaiya ay taageereyso hawlgalada Ciidamada Kenya ay wadaan.

Safiirku waxa uu intaa raaciyay in dawladiisu aaney ogoleyn in dadka Soomaalida ah gidigood loola macaamilo sidii denbiileyaasha.

Safiirka ayaa sheegay in Kenya ay dalkeeda ka mustaafurineyso dadka aan shariga ku joogin balse qaxootiga aan la mustaafurineyn.

“Dawlada Kenya waxa ay dalkooda ugu ogolaadeen Ganacsatada iyo ardeyda in ay dalkooda si sharci ah ku joogaam”ayuu yiri safiir Ameriko.

Mar saxaafadu ay weydiisay sida ay Soomaalida la mustaafuriyo Muqdisho ugu noolaayaan Safiir Ameriko waxa uu sheegay in Soomaalidu bulsho tahay oo ay is caawiyaan.

Kenya ayaa dhawaan Muqdisho ku celisay 82 ruux oo dhawaan laga qabqatay Nairobi oo Kenya ay ku eedeysay in bilaa sharci ku joogeen.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed