|

Dawlada Soomaaliya ooka hadashay xaalada Laascaanood

Muqdisho Feb 07, 2023 (SD) -Dawlada Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay xaalada cakiran ee magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Soomaaliya oo arinkan ka hadlay ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaalka maalintii labaad ka socda Laascaanood, sidoo kalena sheegtay in wadahadal lagu dhameeeyo khilaafka jira.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo saxaafadda u akhriyay mowqifka dowladda ee ku aaddan xaaladda magaalada Laascaanood ayaa sheegay in dowladdu ay si dhow ula socotay shirarkii ka dhacay magaalada Laascaanood, kaasoo ay hormuud ka ahaayeen madax-dhaqameedka.

Sidaas darteedna ay aad uga xun yihiin dhacdooyinkii ka dhacay deegaankaas ee sababay burburka hantiyeed iyo barakaca shacabka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed oo u dhexeysa dad walaalo ah oo Soomaaliyeed, oo deegaan iyo dhaqan wadaaga, isla markaana aan lagu xallin karin xoog iyo dagaal.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Laascaanood ay tijaabo u tahay in la tixgeliyo rabitaanka dhinacyada oo dhan, isla markaana hore loo tijaabiyey colaadaha qabyaaladda iyo kuwa gudaha oo aan natiijo wanaagsan laga gaadhin.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee ilaalinta midnimada labada dal iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay dowladdu dhowrto rabitaanka iyo go’aannada shacabka Laascaanood.

Comments are closed