Dawlada Soomaaliya oo xanibtay lacago ay dhigatay bangiyada dalka
Mogadishu November 07, 2022 (SD) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaysatay inay haatan xanibto akoono maaliyaddeed oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen xawaaladaha iyo bangiyada dalka, sida uu shaaciyey wasiirk ku-xigeenka warfaafinta.
Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala, oo saxaafadda la hadlay ayaa maanta xaqiijiyay in akoonada la xanibay ay ku jirtay lacago faro badna oo kooxda Al-Shabaab ay u adeegsaneyseen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
“In ka badan toban kun oo farriimood ayaa nasoo gaaray, kuwaas oo dadku nagula wadaagayeen akoonada ay Khawaarijtu lacagaha ugu diri jireen, taasoo keentay in bangiyada iyo xawaaladuhu xannibeen akoonnadaas oo lacago ugu jireen Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Al-Caddaala.
Wasiir Al-Caddaala waxaa uu sheegay in tallaaabadan ay qeyb ka tahay dhaqan galka go’aanno dowladda kasoo baxay oo lagu cuuryaaminayo ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada dalka waxa lagu qiyaasaa ilaa $120 milyan, halka lacagaha kale ay ku hesho gobolka iyo dibedda.