Dawlada Soomaaliya oo u jawaabtay Somaliland: Hawada anagaa xukuna
Muqdisho February 13, 2024 (QJ) -Hay’adda Duulista Hawadda ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalka Somaliland ee ay ku eedaysay Soomaaliya in ay si khaldan uga faa’iidaysato maamulka hawada dalka.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland Cumar Sayid C/laahi, ayaa ku eedeeyay dawladda Somaliya inay diiday fulinta heshiisyo ay labada dhinac ku heshiiyeen oo ahaa inay si wada jir ah u maamulaan hawada oo ay ka mid tahay qaybsiga dakhliga.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay xitaa jabisay heshiisyadii hore ee dhinaca duulimaadyada, isla markaana ay xadiday hawada Somaliland, isla markaana ay ogolaatay laba duulimaad oo kaliya. Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in dowladda Soomaaliya ay soo farageliso hawada Somaliland, isagoo xusay inay dacwad u gudbiyeen Qaramada Midoobay.
Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa si adag u beeniyey hadalka ka soo yeeray Somaliland, iyadoo sheegtay in hadalka Somaliland uu ka hor imaanayo xaqiiqada maamulka hawada Soomaaliya oo ay mas’uul ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hadalkan is-dhaafsiga ah ayaa imaanaya iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa labada dhinac, taasoo ka dhalatay muranka badda ee Somaliland la gashay Itoobiya.