|

Dawlada Soomaaliya oo u digtay ciidamda amaanka Somaliland

Muqdisho January 09, 2024 (QJ) -Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay tallaabooyinka ay Somaliland ka qaadday shaqsiyaad ka soo horjeeda heshiiskii badda ee uu Madaxweyne mudo dhaafka xilk ku jooga Muuse Biixi la saxiixday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abey Axmed.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay caga jugleyn iyo xarig ku hayaan saxafiyiinta iyo shacabka ka soo horjeeda heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in caburinta ay Somaliland ku hayso muwaadiniinteeda ay tahay mid xad-gudub ku ah xoriyatul qawlka, waxayna ka digtay in falalkaas ay sii kordhin karaan xiisadda taagan.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay hay’adaha ammaanka ee Somaliland, iyadoo ugu baaqday inay ka waantoobaan falalka sii kordhin kara xiisadda, khatarna ku ah wanaagga dadka dhibaataysan.

Comments are closed