Dawlada Soomaaliya oo soo bandhigtay wax ka bedelka hanaanka siyaasada
Muqdisho November 19, 2023 (QJ) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah oo ku aadan dhaqan gelinta heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ay bishii May ee sanadkan ka soo baxday, kaasoo ku saabsanaa hanaanka siyaasadeed ee dalka.
Dowladda ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ujeedkiisu ahaa sidii looga tashan lahaa hirgelinta hanaanka doorashada iyo qaab dhismeedka dowladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad heshiiska.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo ka kala socday heerarka kala duwan ee dowladda, xisbiyada siyaasadda, iyo bulshada rayidka ah, kuwaasi oo dhammaantood la filayo in ay ka qeyb qaataan qaabeynta arrimaha doorashooyinka soo socda. Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka mid ah in dalka laga dhiso labo xisbi oo kaliya, waxaana la doonayaa in wax laga bedelo hanaanka Baarlamaanka Somaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku nuuxnuuxsanaya muhiimadda uu leeyahay hirgelinta heshiiskan, isagoo sheegay in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, isla markaana u ololeeya dib u habeynta nidaamka baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay si weyn uga go’an tahay hirgelinta heshiiskan, isagoo ku baaqay in la sameeyo laba xisbi qaran, isla markaana wax la beddelo nidaamka haatan ee Ra’iisal-wasaaraha.
Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Hogaamiyaashii hore ee dalka ayaa sidoo kale dhaliilsan qorshaha dowladda ee doorashada, kaasoo ay dowladdu ku dooneyso inay ka ansixiso Baarlamaanka.