|

Dawlada Soomaaliya oo la shaqeyn doonta Maalka KMG ahe SSC-Khaatumo

Muqdisho October 19, 2023 (QJ) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula shaqeyn doonto Maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo oo xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasoo ah noqonaya maamul goboleed ka madax banaan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso isla markaana la shaqeyn doonto maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo.

Wasiirka ayaa intaa raciyay in dawlada dhexe gacan ka siin doonto maalka cusub ka soo kabashada burburkii colaadaha, iyo heshiisiinta dadka degaanka isku haya.

Shacabka gobolka Sool ayaa dagaal xooggan o ay la galeen maamulka Somaliland ka dib ay gacan ku dhigeen magaalada Laascaanood iyo deegaanno kale, taasoo keentay in la sameeyo maamul u gaar ah oo loo yaqaan SSC-Khaatumo.

Hogaamiyaha Khaatumo C/Qadir Firdhiye oo dhawaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada iyo aqoonsiga loo fidiyay.

Comments are closed