|

Dawlada Soomaaliya oo ka hadashay goaankii Somaliland QM uga mamnuucday Hawadeeda

Muqdisho May 19,2013(SDN)-Wasiirka wasaarada Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa markii u horeeysay ka hadaly goaan ay dhawaan Somaliland ku shaacisay in ay hawadeeda ka mamnuucday duulimaadyada Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa dhawaan shaaciyay in Hawada Somaliland aan loo ogolaan doonin duulimaadyada Qaramada Midoobey.

Wasiirka ayaa goaankiisaasi uu jawaab u ahaa gooan ay QM gacanta ugu gelisay Hawada Soomaaliya oo Somalilandna ku jirto dawlada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdulahi Ciil-mooge Xirsi oo warsaxaafada loogu talo galay arinkan ka soo saaray ayaa dhaleeceeyay goaanka Somaliland.

” Dowladu waxa ay iftiimineysaa qiimaha iyo ahmiyadda hawlaha Bini’aadaninimo ee Qaramada Midoobe ka hayaan Soomaaliya,maamulka hawadu siyaasad lama xiriiro,dowladdu diyaar ayey u tahay iney Soomaaliland wada hadal kala gasho arinkaas iyada oo la dhowrayo jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed”ayaa wasiirku warsaxafadeedka ku yiri.

Waa markii u horeysay ee ay dawlada Muqdisho ka hadasho goaanka wasiirka Hawada Somaliland uu ku xanibay duulimaadyada QM.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed