|

Dawlada Soomaaliya oo difaacday Goaankii xabsiga lagu dhigay Gabadhii sheegtay in la kufsaday iyo suxuufiyiintii lala xiray

Muqdisho Dec 12,2013(SDN)-Dawlada Soomalaiya ee taagta daran kuna tiirsan beesha caalamka ayaa degdeg ugu difaacday goaankii maxkamadeed ee xabsiga lagu dhigay gar suxuufiyada oo sheegtay in la kufsaday iyo suxufiyiin baahiyay xogtaasi.

Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji ayaa sheegay in maxkamadaha dalku yihiin qaar socod barad ah loona baahan yahay in la siiyo wakhti ay ku kobcaan.

“waxaanu leenahay maxkamado madax banaan,waana in xukuumadu aaney faro gelin maamulka maxkamadaha”ayuu yiri Ridwaan Xaaji.

“Maxkamadaha madaxa banaan ee dalku waxa ay ka mid yihiin hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliyada Cusub,mana aha qaangaar,waxa ay u baahan yihiin in ay helaan wakhti ay ku barbaaraan si ay u noqdaan qaar cadaalad ku kasbada shacabka”ayuu mar kale yiri Ridwaan.

Waxa kale oo uu Afhayeenku sheegay in kasta oo dawladu taageersan tahay madax banaanida saxaafada hadana waxa loo bahan yahay buu yiri in warbaahintu masuuliyad muujiyaan.

Gabadha suxuufiyada ah ee sheegtay in la kufsaday oo 19 jir ah ayaa ugu warantay iddaacada Shabeele in laba suxuufi kufsadeen.

Gabadha la kufsaday iyo suxuufiyiintii soo gudbiyay eeda ayaa gidigood maxkamadi horaantii todobaadkan ku riday min lix bilood oo xarig ah,waxaan weli la qaban raga lagu eedeeyay kufsiga oo qudhooda ah suxuufiyiin ka hawlgala warbaahinta dawlada Soomaaliya.

Beesha caalamka iyo ururada u dooda xuquuqda suxuufiyiinta ayaa gebi canbaareeyay xadhiga gabadha sheegtay in la kufsaday iyo suxuufiyiinta wareystay.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed