Dawlada Somaliya Oo Dalbatay In Laga Saamaxo Dayn 3 Bilyan Ah Oo Lagaga Leeyahay Bangiga-Dhexe
New-York (/SDN/Hubaal) Dawlada Somaliya,ayaa Hay’adda Lacagta aduunka ee IMF ka dalbatay in laga dhaafo lacag gaadhaysa 3 Bilyan oo dayn loogu leeyahay. Hay’ada Lacagta aduunka ayaa horaantii bishan shaacisay inay dib u bilaabayso wada shaqayntii ay lahayd dawlada somaliya 22 sanadood ka dib, laakiinse aanay wax lacag ah amaahinayn dawlada xasan sheikh Maxamuud Ilaa ay bixiso daynta lagu leeyahay.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdi Salaan Hadiye Cumar oo ka qeyb galay Shir Hay’adda IMF ay soo qaban qaabisay oo ku soo Gaba Gaboobay Magaalada New-york ee dalka Mareekanka ayaa ka waramay dhibaatada kala duwan ee haysata Hay’adaha dhaqaalaha Soomaaliya, waxaanu codsaday inay Hey’adda Lacagta Adduunka ka gacan siiso dib u habeynta Hey’adaha dhaqaalaha ee wadanka.
Cabdi Salaan Hadiye,waxa uu sheegay in arintaasi laga aqbalay, isla markaana ay rejoweyn ka qabaan Lacagta 300 oo Billion ee dawladiisa Lagu Leeyahay Laga Cafiyi doono, sida daymaha looga saamaxay waddamo ka tirsan qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin Serbia iyo Liberia oo dhibaatooyin Muddo La soo tiicayay.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com