Dawlada Punt land oo Shaacisay inaanay Qaabili karin Wefti ka socda Dawlada Federaalka Somalia
Roobab baraf wata iyo duufaano ayaa da’ay Puntland todobaadkan, waxana lagu dhawaaqay xaalad deg deg ah, iyadoona sidoo kale la sameeyay guddi qaabilsan dhibaatada dhacday oo sikugu jira dowladda, culimadda iyo bulshada rayidka ah.
Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir ja’aaid ku qabtay magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay in Puntland xiligan diyaar u ahayn wufuud islamarkaasina ku sii jeedaan har iyo habeenba sidii gurmad ugu fidin lahaayeen dadka tabaaleysan.
Wasiirku waxa uu sheegay inay soo dhoweynayaan cid kasta oo kala qayb qaadaneysa takulaynta dadka, isagoona raacshay inay uga mahadcelinayaan deeqda ay ku yaboohday dowladda Federaalka ee Muqdisho.
Dadweynaha ayuu ka codsaday Wasiir Dirir inay ku soo hagaajiyaan dhaqalaaha ay bixinayaan xisaabaha looga furay bankiyada iyo xawilaadaha kaasi oo ay maamuli doonan guddiga isku dhafka ah ee la magacaabay.
Ciidanka Badda Puntland ayaa kaalin ka qaqaatay gurmadkan, iyadoona raashin gaarsiiyay dadka ku waxyeeloobay roobabka duufaanta watay.
Madaxweyne Farole waxa uu booqday laba jeer buundo go’day duleedka Sunijiif, waxana hakad galay gurmadkii la gaarsiin lahaa dadka ku cayroobay dufaanta.
Xulista Barlamanka iyo ka hadalka Doorashada 2014 ayaa intuba meesha ka baxay sidii musiibadani u dhacday, waxana dhamaan loo istaagay sidi looga qayb qaadan lahaa gurmadka dadka tabaaleysan.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com