Dawlada oo sheegtay in 300 Shabaab laga dilay
Muqdisho January 25, 2023(QJ) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daauud Aweys oo uu garab taaganaa madaxa hawgalada Africa ee Soomaaliya souefe Al Amin ayaa ka warbixiyay hawlgalo uu sheegtay i maalmihii u danbeeyay ay ka dhaceen Soomaaliya isla markaana lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al Shabaab.
Wasiirka waxa uu sheegtay in hawlgalada oo ka dhacay maamul goboleedyada Hirshabeel, Galmudug, Jubaland iyo KGS in lagu laayay dagaal yahano kor u dhaafaya 300 isla markaana degaano horleh looga saaray kooxda Al Shabaab.
Wasiirku wax uu intaa raaciyay in ciidamada dawlada iyo kuwa degaanka ee ay kaashanayaan in laga dilay tiro kooban. Balse wasiirka ma soo bandhigin tilaabooyinka kuwaa xiga ee dawlada ee ku wejahan adeeg iyo gurmad gaarsiinta dadka ku nool degaanada laga saaray Al Shabaab.