Dawlada Puntland Oo Deegaanadeeda Ka Mamnuucday Shakhsiyaad Muqdisho Ku Sugan Iyo Khilaafka U Dhexeeya Dawlada Somalia Oo Cirka Isku Shareeray
Garowe 12.July 2015 (SDN/QJ)- Maamulka Puntland, ayaa ku dhawaaqay in deegaanadooda aanay ka shaqayn karin laba guddi oo dhawaan Baarlamaanka Somaaliya ay ansixiyeen oo kala guddida xuduudaynta iyo doorashooyinka Somaaliya.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdulaahi Xaashi Quraanjecel ayaa si cad u sheegay in guddiyadaasi marnaba aanay soo degli karin deegaanadamaamulkooda uu ka taliyo, isagoo sheegay ina aanay doonin.
Mr. Quraanjecel waxa uu daliil u soo qaatay in markii hore ay mucaarid ahaayeen n guddiyadaasi, haddana kulankii Golaha wasiirada ee Puntland laga soo saaray in aanay ka shaqayn karin deegaanada maamuka Puntland.
“Qodobo dhawr ah ayaa kulanka lagaga hadlay amnigaba ha ugu badnaadee, labada guddi kama aowlgali karaan gudaha Puntland horena waan kaga soo horjeednay, waxaan u diidnay dowlada waxay garab martay qodob dastuurka ka mid ah oo dhigaya in guddiyada heer federaalka lagala tashado maamul goboleedyada.” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Mr. Quraanjecel
Kulankii Golaha wasiirada waxaa ka horeeyay kulan Baarlamaanka Puntland ay ku sheegeen iney kaga tashanayaan aayaha deegaanada Puntland, islamarkaana kaga go’ayaan kasii mid ahaanshaha nidaamka Federaalka Xamar.