Dawlada Mareykanka oo min $3 million oo dollar dul dhigtay sadex ruux oo Al Shabaab ka tirsan
Washington Mar 15,2014(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa sadex ruux oo ka mida koox Al Shabaab madaxooda dul dhigtay abaal marin la siiyo cidii xog ka keenta dilkooda ama soo qabashadooda.
Mareykanka ayaa qabashada ragan oo uu ku jiro nin ay ku eedeeyeen in uu gacan ka geystay qaraxii safaadaha Mareykanka dul dhigtay $3million oo dollar.
Ragan oo kala ah Cabdiqadir Maxamed Cabdiqadir oo reer Kenya ah,nin kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Jacfar iyo Yasin Kilwe.
Wasaarada Arrimaha dibedda oo abaal marinta shaacisay ayaa sheegatay in ragani ay khatar ku yihiin Xasiloonida Bariga Africa iyo amaanka Mareykanka.
Mareykanku sidoo kale waxa ay tilmaamo ka bixiyeen astaamo u gaar ah ragan la doonayo qaar ka mid.
Cabdiqaadir Maxamed oo Ikrima lagu naaneyso ayay Mareykanku sheegeen in uu sadex farahiisa gacanta bidix ay sadex ka mida maqan yihiin.
Halka Ninka magaciisa lagu soo koobay Jacfar uu la’ayahay il.
Ma aha markii u horeysay oo ay malaayiin dollar dul dhigaan qaar ka mida madaxda Shabaabka.
SDN-Washington