|

Dawlada Mareykanka oo Adduun Dhan $146 Milyan ku taageeri doona Soomaaliya iyo Kenya

Nairobi 23.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa  sheegay in Mareykanka uu 146 milyan oo dollar oo dheeraad ah siinayo dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Jhon Kerry ayaa Lacagta kaga dhawaaqay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya oo uu kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta iyo wasiirada arrimaha dibeda ee dalalka Bariga Afrika.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka  ayaa sheegay in dhaqaalahan  lagu taageeri doonaa qaxootiga, dib u noqoshada iskood ah ee qaxootiga Soomaaliyeed ee xerada Dhadhaab iyo dhibanayaasha abaarta ee labada dal.

Qeyb ka mid ah lacagta oo gaareysa illaa 59 milyan oo dollar ayaa la siin doonaan guddiga sare ee qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR,  si ay ugu taageeraan qaxootiga Kenya ku sugan iyo kuwa dib ugu laabanaya Soomaaliya.

Sidoo kale 87 Milyan ayaa waxaa lagu bixin doonaa taageerada cunada iyo arrimaha kale ee dadka abaaruhu ku saameeyeen ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Taageeradan cusub ee dheeriga ah ayaa lacagta guud ee Mareykanka uu sanadkan ugu deeqay Soomaaliya iyo Kenya waxa ay ka dhigeysaa 265 milyan oo dollar.

Taageerada Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa wax looga  ka qaban doonaa arrimaha bani aadannimo ee ka taagan gobolllada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Comments are closed