|

Dawlada Maraykanka oo Cod dheer kaga Digtay Weeraro argagixiso oo Muqdisho ka Dhaca Bisha Ramadaan

Washington 28.June 2014 (SDN/QJ)- Qoraal kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa looga digay in kooxda Alshabab ay falal argagaxiso ah ka gaysato gudaha Muqdisho inta lagu gudo jira bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Alshabab ayaa ku goodisay inay weeraro kala duwan magalada Muqdisho ka fulin doonto inta bisha Ramadan lagu jiro taasoo dhaliisay inay walaac ka muujiyaan dowladdaha daneeya arrimaha Somalia waxana shacabka loo jeediyay inay bishaan feejignaan galaan.

Docda kale taliska AMISOM ayaa sidoo kale qoraal soo saaray waxayna ku sheegeen inay muhiim tahay sidii looga hortagi lahaa weeraro ka yimaada dhanka Alshabab oo lala beegsado xarumaha ciidanka iyo goobaha ay shacabku ku badan yihiin.

Labadan qoraal ayaa dadka Soomaaliyeed loogu hambalyeeyay bisha Ramadan maadama dadka ay yihiin Muslim.

Afhayeenka ciidanka Booliska DF ayaa sheegay inay wadaan howlgalo kala duwan oo Amniga Muqdisho lagu adkaynayo taasoo looga hortagayo Kooxda Alshabab oo dagaal kala soo horjeeda ciidamada AMISOM iyo kuwo DF.

DF ayaa ku amartay shacabka Muqdisho inaan sodanka bari ee Ramadan la aadi karin xeebta magalada oo la ilaalshado bisha barakaysan ee Ramadaan.

Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed