Dawlada Kenya oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay ruux ay la xiriirinayso weerarkii Westgate Mall
Nairobi Sept 30,2013(SDN)-Dawlada dalka Kiinya ayaa sheegtay baaritaan ay mudaba waday in ay qabqabteen dad badan oo lala xiriirinayo weerarkii ay koox hubeysani ku qaadeen xarun ganacsi oo Nairobi ku taal.
Dawlada Kiinya ayaa sheegatay in ay ilaa iyo haatan gacanta ku dhigeen ilaa 12 ruux oo ay ku tuhmeen in ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday Westgate Mall 21kii bishan.
Denbibaareyaasha ayaase sheegay in ay sii daayeen sadex ka mida dadkii ay u qabteen tuhunka weerarka.
Wasiirka arrimaha Guddaha ee dalka Kiinya Joseph Ole Lenku ayaa saxaafada u sheegay shalay gelinkii danbe in ay haatan qabteen ruux kale oo lala xiriiriyay weerarkii Westgate Mall.
Wasiirkuse wax auu ka gaabsaday in uu xogo dheeri ah ka bixiyo ruuxan gacanta u galay ee ay ku eedeynayaan weerarka in uu ku lug lahaa.
“xogaha sirdoonka dalka ugama hadalo meelahan aan munaasibka aheyn”sidaa waxaa yiri wasiirka arrimaha Guddaha ee Kenya
Si kasta oo ay tahay todobaad ka dib dawlada Kenya ayaan ka jawaabin suaallo faro badan oo la iska weydiinayo weerarka.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com