Dawlada Kenya oo shaacisay Noocyada Iskaashi Dawladdeedu danaynayso oo Dhexmara Somaliland DAAWO
Nairobi 18.March 2015 (SDN/QJ)- Xukuumada Kenya ayaa faahfaahin ka bixisay danayntooda iskaashi dhexmara Somaliland iyo dhinacyada ay xiisaha weyn u qabaan, isla markaana dhismaha wadooyinka ka caawin karaan.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Amina Maxamed ayaa sheegtay in loo baahan yahay heshiis dhexmara Somaliland, inkastoo kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland badnayn, si loo bilaabo hawlahaa.
Wasiir Aamina oo wareysi ay siinaysay Chams Media lagu weydiiyey xidhiidhkooda Somaliland ayaa sheegtay inay dhinacyo badan iska kaashan karaan, waxaanay tidhi, “Dhinaca horumarinta kaluumaysiga, beeraha, xoolaha, caafimaadka, waxbarashada xitaa macdanta, waxa jirta dhinacyo badan oo iskaashi aanu ka yeelan karno. Waxa loo baahan yahay inaan heshiis ka gaadhno, inkastoo xilligan kaabayaasha dhaqaale aad u badnayn sidii hawlahaa loo bilaabi lahaa.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Aamina ayaa sheegtay in xilligan ay jiraan muwaadiniin badan oo Kenyan ah oo hawlo kala duwan ka haya Somaliland, isla markaana dhismaha wadooyinka ka caawin karaan, waxaanay tidhi, “Xilligan inbadan oo muwaadiniin Kenyan ah ayaa jooga Somaliland oo hawlo kala duwan ka qabta, dhinaca waxbarashada macalimiin ah, ama hay’adaha gargaarka u shaqeeya, waxaanu leenahay khibrado badan oo u dhoofino Somaliland. Dhinaca dhismaha wadooyinka ka socda Somaliland, waxaanu doonaynaa inaan shirkado badan oo wadooyinka dhisa u diro, kana mid ah dhinacyada aan doonayno inaan iska kaashano.
Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Aamina ee la xidhiidha iskaashi dhexmara Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli maalmahii u dambeeyey wefdi xukuumada Somaliland ah oo wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi hogaaminayey booqasho maalmo qaadatay ku joogeen dalka Kenya, isla markaana kulamo kala duwan kula yeesheen inbadan oo ka tirsan safiirada wadamada caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah, inkastoo aan la shaacina la filayo inay jireen kulamo kaloo dhexmaray madaxda xukuumada Kenya.
Dhinaca kale, xukuumada Kenya oo hore wakiil u metela Somaliland u soo magacowday ayaan weli si rasmi ah uga furan xafiiskiisa caasimada Hargeysa, inkastoo Somaliland sanadihii u dambeeyey xafiis ku lahayd caasimada Kenya ee Nayroobi.