Dawlada Kenya oo ka aamustay jawaab ka bixinta xarigii Qunsulka Soomaaliya iyo eedo argegixiso oo soo baxaya
Nairobi April 30,2014(SDN/QJ)- Dawlada dalka Kenya ayaa dhegaha ka fureysatay in jawaab ay ka bixiso dalabaad dhawr ahaa oo la xiriira xarigii qunsulka Soomaaliya ee Kenya oo uga yimi dawlada Soomaaliya.
Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa u dhacay aqalka qunsulka ka dibna xabsiga u taxaabay dhawr saacadood qunsul Siyaad Maxamuud Shire.
Qunsulka ayaa isu sheegay ciidamadii aqalkiisa u dhacay ee baaritaanadana ku sameeyay mase jirin cid dheg jalaq u siisay.
Xogo ay si hoose u shaaciyeen ciidamada Kenya ooo laga soo xigtay ilo wareedyo ayaa u sheegay barta Internetka ee zagabi.com in ciidamada Kenya ay heleen xogo qunsulka la xiriirinaya argegixiso.
Dawlada Kenya ayaanse gebi ahaanba dafirtay in ay xabsiga saacado ku hayeen qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.
Taliyaha ciidamada Policeka Kenya David Kimiayo ayaa sheegay in ciidamada Kenya aaney xabsiga dhigin qunsul Siyaad Shire.
Dawlada Keenya ayaa ay ciidamadeedu xabsiga dhigeen in ka badan afar kun oo ruux oo Soomaali ah oo intooda badan laga qabtay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Kenya ayaa sheegtay in ay hawlgaladan uga dan leeyihiin in ay ku sugaan amaanka isla markaana ay dalkooda uga saaraan dadka bilaa sharciga ku jooga.
SDN/QJ-Nairobi