|

Dawlada Kenya oo dalkeeda ka Masaafurinaysa Somalida aan Sharciga haysan

Nairobi 07.April 2014 (SDN)- Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo qunsulka safaaradda Soomaalida ee Kenya Siyaad Maxamed Shire ayaa maanta la kulmay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku.

MUSAAFURINMas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaalida ku nool magaalada Nairobi iyo howlgallo dhowaan ay ciidamada Kenya ka sameeyeen xaafadda Eastleigh oo lagu soo qabtay kumannaan Soomaali ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo qoraal soo dhigay bogga xiriirka bulshada ee Facebook ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga ee dowladda Kenya uu u sheegay in la sii dayn doono Soomaalida dalka ku joogto sharciyada iyo dadka haysta sharciyada qaxootiga ee ay bixiso UNHCR.

Joseph Ole Lenku ayaa xusay in Soomaaliya dib loogu celin doono Soomaalida aan haysan wax dukumiinti caddeynaya in ay ku joogaan waddanka Kenya.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa wada howlgallo ay ka samaynayaan xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh kaddib markii qaraxyo ay lix qof ku dhinteen uu toddobaadkii hore ka dhacay xaafadda.

Nairobi SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed